Shirkii Geeska Afrika oo lagu soo gebagebeeyay Magaalada Lund (SAWIRRO)

Posted on 10th June 2012 in News

Axad, June 10, 2012(HOL): Shirkii looga hadlayay arrimaha ammaanka iy o nabadgelyada dalalka Geeska Afrika ee ka socday Magaalada Lund ee dalka Sweden ayaa maanta la soo gebagebeeyay, iyadoo uu socday muddo seddex maalmood ah.

Ergooyin ka kala yimid dalalka Somalia, Ethiopia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Shaqsiyaad ka socday Ururro shirka lagu casuumay ayaa ka qeybgalay.

Shirka ayaa maalintii ugu horreysay looga hadlay ammaanka iyo Nabadda dalalka Geeska Afrika, iyadoo maalintii koowaad uu shirka isugu jiray furitaan iyo khudbado gogol xaar u ah waxyaabaha la qorsheeyay in shirka looga hadlo maalmaha xiga.

Number Of Reads 643

comments: Comments Off on Shirkii Geeska Afrika oo lagu soo gebagebeeyay Magaalada Lund (SAWIRRO)