Banki Moon: Madaxda Afrika Ha ogolaadaan Faaxishada W/Q:Sh Maxamed Sh Cabdiraxman Kaariye (qaybta 2-aad). | SomTV-Seattle

Banki Moon: Madaxda Afrika Ha ogolaadaan Faaxishada W/Q:Sh Maxamed Sh Cabdiraxman Kaariye (qaybta 2-aad).


Banki Moon: Madaxda Afrika Ha ogolaadaan Faaxishada
W/Q: Sheikh Maxamed Kaariye (Qaybta 2-aad)
Qaybta 1-aad ee Qoraalka Sheikha Halkan Dhag Sii.

Banki Moon iyo cidda uu afkooga ku hadlaa ha ogaadaan in shareecada iyo axkaamta diinta Islaamku ay yihiin axkaam dadku badali karyan, sidaa awgeed ay tahay arin aan suura galayn inuu ka sugo Muslimiinta ku nool qaarada Afrika inay aqblaan wuxuu ugu yeedhay “xuquuqda falyaasha ficilka qoom Luut” (gay rights) , xataa haddii ay dowladahoogu aqbalaan.

Fuxshigani waa dhaqan xun oo faafitaankiisa uu sii laba jibaaray fikirka libiraaliga ah ee maanta sida laxaadka leh ugu dhex faafay dunida reer Galbeedka, kaasi oo xumaantiisa iyo qubxigiisa ay ka qaylinayaan dadyow badan oo aaminsan diimaha Kiristaanka iyo Yahuudiyada. Waxay dhammaantood dareemayaan dhibta iyo dhaawaca uu dhaqankani u gaysanayo dadnimada iyo abuurka toosan ee banii aadanka.

Libiraaligu waa fikir baas oo belo caqliga kaga mudan tahay, run sheegu ku adag yahay, fuxshiga iyo xumaanta u dhego-nugul, wanaaga iyo wixii fiicana ka dayriya. Jecel duminta akhlaaqda iyo xishmada. Dhaxalka liita ee fikirkani wuxuu sheegayaa inuu dacalada ka buuxsaday wax walba oo xun, col iyo abaarna ku yahay wax walba oo wanaagsan oo sad iyo sahay u ah aadanaha.

Waxa fikirkan hormood iyo qabqablayaal ka ah duul shaydaanku duufsaday oo xumaanta walwaala, u suul-dhabaaleeya fitnada iyo sharka, horseed ka ah halowga, garaadkoogu asqeysan yahay,ficilkooguna dardaran yahay. Waa duul ka dareen la’ xaqa iyo wanaaga, ka dhoohan risaalada Rabi, ka qardo jeexay jidka Alle ee toosan, ka hadaafay sunaha Rasuulka, kana xuubdhacsaday akhlaaqda suuban iyo qiyamka waxtarka leh ee dadku kaga soocmay xoolaha.

Dhaqamada iyo hab-nololeedka ka farcamay kana dhashay fikirka libiraaligi waa dhaqamo dhib ku keenay bulshooyinka aadanaha, waa dhaqamo cirka ku shareeray tirade caruurta ka dhalatay cilaaqaadka xaaraanta ah, sababna u noqotay kordhka burburka guryaha, waa dhaqamo col la ah abuurka iyo fitrada aadanaha, waana dhaqamo horseed ka ah caadaysiga ficilada qubxiga huwan ee bulshooyinka ku dhaqmaa la tawaawacayaan, sida ilxaadka, Alle ka-caymadka, camalkii qoomo luut, zinada, daroogada, qaawanaanta, anshixumada, ka ganacsiga xaaraanta iyo burburinta anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan.

Khatarta fikirka libiraaligi ku keenayo dunida Islaamku waa mid halisa, shilkiisuna waa mid hadduu baaho jiilalka soo koraya ku ridaya booraan hadimo, kuna hagaya tubta halaaga. Khatartani waxay ku sal haysaa dadaalka abaabulan ee calmaaniyiinta iyo kooxaha libiraaligi ugu jiraan siday u burburin lahaayeen caqiidada, qiyamka iyo akhlaaqda Muslimiinta.

Kala duwan siyaabaha ay libiraaliyiintu u adeegsadaan siday u fulin lahaayeen mashruucooga wax-fasahaadinta ah, waxana faro badan wadiiqooyinka ay u maraan duminta dayrka diinta iyo ka-talaabsashada xeerarka shareecada. Waxay gabood ka dhigtaan ereyo dadka lagu siri karo, laakiin gudaha ku xambaarsan faajirnimo iyo Islaam-ka-orod, sida: xoriyada shakhsiga ah, dhaqaale xora, aqbalida dadka kale(قبول الآخر), xuquuqda aadanaha, xuquuqda dumarka, sinaanta raga iyo dumarka (gender equality) iwm, oo intaba ay ku qeexayaan sharax si walba u waafaqsan fahamka,taariikhda, dhaqanka iyo qiyamka libiraaliga ah.

Waxba ayuu hadalku ila durkini waxaan ku soo afjarayaa in libiraaliyadu ayna dan iyo maslaxad u ahayn ummada Islaamka, waayo waa nidaam ka falaagoobay Islaamnimada, waa falsafad aan dhag jalaq u siinayn amarada Rabi, waa dhaqdhaqaaq ku asqaysan xumaan iyo fuxshi, waa diin baadila oo qofka u adoominaysa shahawaadkiisa iyo hawadiisa. Sidaan hore u soo sheegayna duulka falsafadan daba hadaafayaa waa kuwo qumanhoogu qoorta ugu jiro, hawo raaca, Islaam-ka-carara, kana santaagaya inay adoomo u noqdaan Rabigoogii abuuray.

Waxa runa in ka-hortaga duulaankan hororka ku ah anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan uu yahay waajib waqtigan saran ummadda Islaamka, khaasatan culimada iyo ducaada, sidaa awgeed waa in la qaawiyo wajiga foosha xun ee faajiriintan, waa in daaha laga faydo mashruucooga khiyaanada huwan, waa in la baafiyo oo meel walba laga naadiyo xumaanta iyo fuxshiga ay maldahayaan, waana in dibada la soo dhigo dhagarta ay maleegayaan iyo suldaarka ay ummada la damacsan yihiin.

Fisqigani waxa uu lid ku yahay abuurka caafimaadka qaba ee toosan, waxa uu duminyaa akhlaaqda, waxa uu haligayaa macnaha dhabta ah ee dadnimada, waxa uu dilayaa raganimada. Xukunka uu shareecada ku leeyahay waa mid adag oo la yaqaano, qofkii Muslina ee sameeya fuxshigan isagoo xalaashanayaa wuu gaaloobayaa, diintana wuu ka baxayaa.

Ilaahayow khayrka iyo xaqa na waafaji, caqiidada iyo diintana noo xafid , nagana badbaadi fitanka iyo balaayada.

Sheikh Maxamed Sheikh Cabdiraxman kaariye
Faafin: Somtv.org

Number Of Reads 2816