WAALAYAAB: W/Q/Sh.Axmednuur Macalim C/qaadir Local Imaam Masjid Abu-Bakr | SomTV-Seattle

WAALAYAAB: W/Q/Sh.Axmednuur Macalim C/qaadir Local Imaam Masjid Abu-Bakr

Akhristoow qoraalkan waxaan ugutalagalay inaad sawir guud kaqaadato ama fikrad guud somalida kunool wadamada reer galbeedka meelaha qaar kood dhaqankooda diimeed meeshuu marayo, gaar ahaan tuulooyinka iyo gobolada ayna joogin culimo kufilan, Tanina waa warbixin kusaabsan socdaal qaatay 35 maalmood oon kumaray gobolo kuyaala wadanka maraykanka aniga iyo culumo kale oo saxiibadayah, socdaalka waxaan kabiloonay gobolka seattle,Washington, goobaha aan kuhakanay waxaa kamid ahaa gobolka minasota,gobolka Nebraska waxaan kabooqanay magaalada South Sioux iyo laxington,gobolka Kansas waxaan kuhakanay Gardan city iyo Dodge, gobolka Colorado waxaan kuhakanay magaalada Danfer, Fort morgan iyo Greeley,gobolka Iowa waxaan booqanay magaalada Des moines.

Intabadan magaala walba waxaan joogaynay labo ilaa sadex maalmood waxaa lagayaabaa akhristoow inaad u aragto safar dalxiis iyo tamashlayn kujirto laakiin wuukaduwanaa oo wuxuu ahaa safar adag oo meelaha qaar kood masaafo dheer lasocon hadafkiisuna yahay labo arimood dadka somaaliyeed ee kunool tuulooyinka hilibka laguqalo in muxaadaraad loosoojeediyo baarkin wayn oo lagadhisayo masajidka abuu-bar Islamic senter seattle Washington isna ay caawiyaan waxaan wadnay kutub iyo cajalado diiniah oon meel walba wax kureebaynay,waxaan kaqayb qaadanay xalinta khilaafaad badan oon lakulanay.

Waxlaganoxo:akhristoow waxaan lakulanay waxyaabo badan oo laga noxo tusaalana unoqonkara sida manta dadkeenii soomaaliyeed diintoodii iyo akhlaaqdoodii uga siifogaanhayaan,waxaan layaabijiray markaan wadankan kuaragno umado muslimiin ah ooyimid wadankan 50 sano kahor oo diintii magac uun kahaysta sida baakistaaniyiin iyo carabtii xiligaa timid,Somalida oo laguyaqiinay tadayun iyo ku adkaan diintooda, culimo carbeed oo wadamada reer galbeedka yimid hada kahor waxay kutilmaameen somalida waa rusushii alaah usoo diray dadka kunool wadamada reer galbeedka,laakiin manta waxaad arkaysaa wax laganoxo sida:

1-masaajid kuyaalay meel somalidu kunooshahay oo laxiray kutubtiisiina meelo kale lageeyay markii lawaayay waxkutukada oo kiradiisa labaxa.

2-masaajid lafuro sadex maalmood jimcaha,sabtida iyo axada afarta maalmood eekalana qufulbaa saaran waxaan soo xusuustay sida kaniisadaha sabtida iyo axada kaliya lafuro inay xaaladu kudanbeenkarto.

3-tuulo aanaan tagin laakiin udhawaanay waxaa naloosheegay somalidu inay kashaqeeyaan hilibka doofaarka marka lawaydiiyana waxay dhahayaan maxaa igagalay ma,anaa cunaya.

4-gabdho iyo wiilal aan isqabin oo ajnabi kala ah oo isladagan hal guri oo isla wadaagi qolka fadhiga,jikada iyo musqusha.

5-su,aasha ugubadan oo nala waydiin hayay markaan muxaadaro jeedino waa maguursan karaa ama mashukaansan karaa qof ninkeedii afrika jiro, ama qof ninkeedii afrika jiro oo ninkale ilmo udhashay xukunkeeda kawaran .

6-Daroogada oo faraba,an kuhaysa tuulooyinka gaar ahaan khamriga, waayo dadka meelahaa jooga waxay ubadan yihiin dad mar dhow kayimid wadankii iyo baadiye inbadan oo kamidahna dhibkeeda maba garan hayaan ama waxayba moodayaan ilbaxnimo cabitaanka khamriga.

7-guud ahaan waxaa kuumuuqan yaraanta dadka tukada waxaadna arki meelo badan masaajidka furihiisa waxaa haysta dhoor qofood waxaa suuragal ah midba mar inuu yimaado, uufurto, tukado, xiro,waxaan xusuustaa maalin aan saacado badan kor fadhinay masaajid oon sugaynay bal inuu yimaado qof fure wata.

Gabagabadii culimada wadanka maraykanka kunool howl wayn baasugi waxaad moodaa inwadaadadii isku uruuriyeen magaalooyinka waaween ee aykajiraan fursadaha badan lana halmaamay tuulooyinka lanatago ookaliya markii larabo in lacag lagasoo uruuriyo oo masaajid ladhisayo, waxaan kutalin lahaa inbadan oo dadka kunool tuulooyinkana soo jeediyeen in looyimaado oo loofaaiideeyo iyagoon wax aduunyo ah lagarabin,waa inaan diinteena ukhidmeenaa ,kudhaqanaa,sharaf dareenaa,waa in dhoowrkii biloodba ladiraa dhoor wadaad oo kormeer dacwo soosameeya.

Akhristoow waxaan soo arkay magaalo lagumagacaabo GREELEY oo kutaala gobolka COLORADO oo uukunoolaan jiray ninkii ladhihijiray SAYID QUDHUB alaah hauraxmee ee masriga ahaa kana midnoqday raga ugucaansan dhaqdhaqaaqii ikhwaanka waxaaan booqday jaamacadii uu dhigan jiray intii udhaxaysay 1948-1951 waxaana ladaldalay oo latoogtay sheekhaas mufakirka ahaa 1966 waxaa toogtay kacaankii Jamaal c/naasir waxaana loo cuskaday fatwadii xuseen shaafici,waxaan ugagoleeyahay wuxuu ahaa nin muslim ah oo diintiisa kudhagan waxaa waxlala yaaboah oo aad iisoo jiitay markii laiisheegay dadka kunool magaalada inay aad uqadariyaan muslimiinta ninkaas dartii oo ay kaxusuustaan akhlaaq badan oofiican oo uutusiyay oo ahaa sumad islaam,dad badana sababtiisay kusoo islaameen,taasina waxay tusaale utahay meeshaad joogtaba muslimiinta tusaale fiican unoqo. Taasi waa muuqaalka tuulooyinka iyo gobolada culimada ubaahan, laakiin waxaa taas kaduwan muuqaalka magaalooyinka waaween ee culimadu kubadantahay sida Minnesota,Ohio,Seattle Washington,California, ood arkayso muuqaalka iyo labiska dadka muslimiinta ah oo sifiican umuuqda sida qamiiska,cumaamada,koofida, xijaabka iyo waliba indhashareerka dumarka.

W/Q: Sh.Axmed Nuur Macalin
IMAM: Abubakr Islamic Center ,Seattle,WA
Email: Midnimo14@Gmail.com
Somtv.org

Number Of Reads 2684