Banki Moon: Madaxda Afrika Ha ogolaadaan Faaxishada W/Q: Sheikh Maxamed Kaariye (Qaybta 1-aad) | SomTV-Seattle

Banki Moon: Madaxda Afrika Ha ogolaadaan Faaxishada W/Q: Sheikh Maxamed Kaariye (Qaybta 1-aad)

Banki Moon: Madaxda Afrika Ha ogolaadaan Faaxishada
W/Q: Sheikh Maxamed Kaariye (Qaybta 1-aad)

Banki Moon oo ah xoghayaha guud ee waxa loogu yeedho Qaramada Midoobay, ayaa isagoo ka hadlaya kulan ay madaxda dowladaha Afrika ku lahaayeen magaalada Adiisababa ee dalka Itoobiya yidhi: waa in la ixtiraamo xuquuqda falayaasha ficilka qoom Luut (gay rights). Isaga oo sii wata hadalkiisa ayuu yidhi “ficalkan oo laysku takooraa waa arin mudo dheer ay dowlado badani ihtimaam siin waayeen.”

Hadaba waxaan isku dayey inaan daalacdo sida saxaafada af-Ingiriiska wax ku qortaa, khaasatan ta Reer Galbeedku ku qaabishay hadalkan ka soo yeedhay Banki Moon. Markaan Googelka ka baadhay waxa ii soo baxay canaawiin badan ooy ka mid yihiin kuwa hoos ku tibaaxan:

Ban Ki Moon tells African leaders to respect gay rights

UN chief tells Africa leaders to respect gay rights

UN boss tells African leaders they must respect gay rights

Ban Ki-Moon: Africa Leaders Should Respect Gay Rights

UN chief Ban tells African Union summit to uphold gay rights

Ban urges African respect for gay rights

Waxa saxaafada lagu baahiyay in Shriif Sh.Axmed oo ah ninka sheegta inuu madax ka yahay dowlad-ku-sheega ay budhcada Afrikaanku soo dhiseen, uu fadhiyay golihii uu Banki Moon ka yidhi hadalkaasi qadafka ku ah diinta iyo caqiidada Musliminnta faraha badan ee ku nool qaarada Afrika. Ilaa iminka afkiisa iyo kuwa saraakiisha dowladiisa midna kama soo yeedhin wax diiditaana oo ku wajahan dhiirigalintaa fuxshiga lagu dhiiri galinayo.

Hadalkan ka soo yeedhay Banki Moon waxa uu la jaanqaadayaa mashruuca “gumeysi dhaqameedka” “cultural imperialism” oo qayb ka ah “duulaan maskaxeedka” Galbeedku ku soo qaaday Muslimiinta.

Sida lagu sheegay bogga BBC ku leedahay internetka, waxa ay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanku labaduba ku hanjabeen inay deeqaha iyo mucaawinda ay siiyaan dalalka Afrika u isticmaali doonaan siday dawladaha qaarada dhaqan-bulsheedkeedu muxaafidka yahay ugu qasbi lahaayeen inay faaxishadaa ka dhigaan ficil aan wax ciqaaba ku lahayn qawaaniinta dalalkooga, micnuhu waa in la sharciyeeyo lana aqbalo. (Gay rights: Africa, the new frontier/ By Farouk Chothia BBC Africa)

Wasiirda arimaha dibada ee Maraykanka Heleri Kilinton oo diblomaasiyiin kula hadlaysay magaalada Jineef ayaa iyana ku baaqday in la ixtiraamo dadka sidan u dhaqma . Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Dhayfidh Kamaroon ayaa isaguna sanadkii 2011 yidhi “deeqada waa laga jarayaa dalalka aan ixtiraamin xuquuqda dadka ku dhaqma ficilkii qoom Luut”.

Madax badan oo Afrikaana ayaa diiday inay aqbalaan hanjabaada iyo cagajuglaynta Galbeedku ku doonayo inuu dhaqanka faaxishada ku faafiyo dalalka Afrika.

Tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa madaxweynaha Gana Joon Atta Milis, oon xataa Muslim ahayn balse Kiristaana, wuxuu gacanta ku saydhay oo sutida u qabtay hanjabaada iyo caga juglaynta Ingiriiska waxana uu yidhi : “Ingiriisku kuma qasbi karo qiyamkiisa (values) Gaana, aniguna marnaba sharciyaynmaayo faaxishadaa”. (Ghana refuses to grant gays’ rights despite aid threat, BBC)

Waqtigan oo aad loo hadal hayo waxa loo yaqaan caalamiyeenta “globalization”, waxa loo baahan yahay in la xusuusto in caalamiyeentu ku koobneen dhinaca dhaqaalaha oo kaliya, sida dad badani u haystaan. Xaqiiqadu waxay tahay in waxa Galbeedku ugu yeedhaan caalamiyeenta dhaqanku “cultural globalization” ay qayb weyn ku leedahay mashruucan la doonayo in lagu afgambiyo dhaqnada iyo qaabdhiska nolosha bulshooyinka ka baxsan xerada dhaqanka Galbeedka, khaasatan Muslimiinta oo muujiyay diiditaan xoog leh ooy ku diidanyihiin dhaqanada reer Galbeedka ee khilaafsan diintooda iyo shareecadooda.

Alwaliid bin Cabdul malikl ayaa yidhi: “Haddii aanu Ilaahay ku sheegin Kitaabkiisa qisada qoomu Luud marnaba isma idhaahdeen nin ayaa nin kale u tagi”.

Cilmigan dal-daloolka badan
Damiirku ka meydka yahay

Wanaaggu ka dayro yahay

Xumaantu u dooran tahay
Dadkiyo simay xoolihii
Raggiyo dumarkii fur-furay
Intuu dumarkii is-baday
Raggii dumar qaar ka dhigay
Af-duubkiyo qoolka taxan
Run baa lagu daahayaa
Dijaal korayaa qarsoon.

(Hadraawi)

Waxaan xusuusinayaa akhristaha in madax, baarlamaan, wasiiro iyo dowlad midna awood u lahayn inay baneeyaan ama sharciyeeyaan ficilkan iyo fawaaxishta kale ee horarka ku ah diinta iyo shareecada Muslimiinta.

Sidaa awgeed ayuu Abuu Maxamed Ibni Xazm yidhi:

“فمن أحل ما حرم الله تعالى وهو عالم بأن الله تعالىحرمه فهو كافر بذلك الفعل نفسه”

“ Qofka xalaaleeya wuxuu Allaa xarimay isagoo u cilmi leh inuu Allaah xarimay, wuxuu ku gaaloobay ficilkaa awgii”.

Imaam Nawawi ayaa isagoo ka faaloonaya xaaladaha noocaasiya yidhi:

“وقد انعقد إجماع العلماء على أن الإمامة لا تنعقد لكافر، وعلى أنه إذا طرأ عليه كفر وتغييرللشرع أو بدعة خرج عن حكم الولاية وسقطت طاعته.”

“Culimadu waxay isku waafaqeen oo ijmaaca in aanu qof kaafiri imaam (madax) u noqon karaynin muslimiinta, haddii imaamka Muslimiintu gaaloobo, sharciga badalo ama bidco ku dhacaba, madaxnimadii wuu waayayaa, in la adeecaana ma banaana”. (Imaam Nawawi, Sharxul Muslim: 3/229)

Sheekhul Islaam ayaa isaguna yidhi:

“فمن أجاز اتباع شريعة غير شريعة الإسلام وجب خلعه، وانحلت بيعته، وحرمت طاعته، لأنه في مثل هذا الحال يستحق وصف الكفر.”

“Qofka madaxda u ah Muslimiinta ee banneeya in lagu dhaqmi karo shareeco aan ahayn shareecada Islaamka, waxa waajiba in la cazilo oo taliska laga qaado, madaxnimadiisuna way dhacday, waana xaaraan in la adeecaa. Waayo hadday xaaladdiisu sidaasi tahay wuxuu mutaystay in lagu tilmaamo gaalnimo.” (Ibnu Taymiye, Mukhtasar Al-fataawaa Al-Masriya;B:507)

Haladan culimadu waxay sheegayaan in dhaqan walba oo shareecada ku lid ahi aanu aqoonsi ka helin Muslimiinta, in la banaystaana tahay kufri iyo gaalnimo, iskaba daa inuu ictiraaf iyo ogolaansho ka helo qaanuunka iyo dustoorka dowlad islaamnimo sheegaynaysa

Losoco Qaybta 2-aad ee Qormada
Sheikh Maxamed Sheikh Cabdiraxman kaariye

Number Of Reads 645