Culimada oo loo qaybiyo rabaaniyiin iyo culuma’usuu waa kalimad xaq ah oo loola jeedo baadil.Q.1aad W/Q: Sh Imam Axmed Nuur | SomTV-Seattle

Culimada oo loo qaybiyo rabaaniyiin iyo culuma’usuu waa kalimad xaq ah oo loola jeedo baadil.Q.1aad W/Q: Sh Imam Axmed Nuur

Waayadan danbe waxaan maqalaa erayo ay kamid yihiin culumaa rabaaniyiin iyo culama’usuu (culimo rabigeed u hogaansan iyo culimo xun) oo loola jeedo in culumada iyo cilmigoodaba lagu dhaawaco, waxaan halkan ku soo ban dhigi doonaa inshaa allah qaar ka mid ah tilmaamaha culumada rabaaniyiinta ah iyo tilmaamaha culumaa’ usuu, kadibna waxaan is waydiin doonnaa yaa culuma’usuu ah? maxaase lagu kala gartaa? gabagabadana waxaan xusi doonaa maxaa ka dhalan eraygan culuma’usuu iyo kuwo la mid ah hadii loo adeegsado culumadii waa wayneed ee lagu yaqiinay caqiido toosan iyo camal wanaagsan. Sumadda aad ku kala garan karto caalimka wanaagsan iyo kan xun waa manhajka iyo wadada uu ku taagan yahay, ma tahay wadaddii dadkii hore ee salafkii umadan. (Nabiga –scw- iyo Saxaabaddii iyo intii ka ag dhawayd)

Tilmaamaha culumada rabaaniyiinta ah:Sheekha magaciisu yahay bakar binu Cabdullahi Abu-Zeed alle ha u naxariistee, mar uu ka hadlayay caalimka rabaaniga ah kitaabkiisa xilyatu dhaalibil-cilmi, wuxuu yiri; “waxaad laazimtaa cabsida Allah mar walba, dadkana waxaa u kheyr badan qofka Allah kabaqa, kamana baqo Allah ilaa qof caalim ah mooyee, hadaba dadka waxaa ugu kheyr badan caalimka, lamana oran karo caalim rabaani ah ilaa inuu ku camal falo cilmigiisa mooyee, caalimkuna kuma camal falo cilmigiisa ilaa in cabsida Allah uu daa imo mooyee”.

Runtii hadalkaasi waa hadal weyn mana aha wax qof waliba iska dhihi karo hebal waa rabaani hebelna waa culumaa’usuu. Culumada rabaaniyiintu waa kuwa raaca kitaabka Allah ,sunada iyo manhajka dadkii hore oraah iyo dhaqanba, waa dadka ilaaliya diinta iyo manhajka saxda ah, waa kuwa nabigeenu yiri scw xadiis macnihiisu ahaa, sheikh Al albaanina saxiixiyay; “cilmiga waxaa xanbaari jiil walba ama xili walba dadka toosan ee cadaalada ku dhaqma, waxay ka

ilaalin kuwa xad gudubka sameyn, kuwa soo dhex galin waxaan diinta ka mid ahayn iyo kuwa nusuusta awilaya oo macnahooda leexin”
waana meesha ay ku dhumeen kooxaha tirada badan ee qaloocu galay, waligoodna culumadu way ku dadaali jireen siday u toosin lahaayeen qaloocaas, iyo in diinta ay cadeeyaan cilmigana aysan qarinin. Culumada rabaaniyiintu waxay ka gaareen cilmiga meel sare , tilmaamahoodana waxaa kamid ah;

1- Cilmi iyo aqoon: Waxay bartaan cilmiga, wayna ku dhaqmaan, dadkana way baraan xaga alle ayayna dadka ugu yeeraan, allahna wuxuu yiri; noqda rabaaniyiin. Imaamu Zuhri alle ha u naxriistee wuxuu yiri; “Allah laguma caabudo wax ka fadli badan cilmi”, imaamu thowrina wuxuu yiri; “ma garanayo nabinimada ka dib wax ka fadli badan cilmi” hadaba tilmaanta aqoontu waa mid ay leeyihiin culumada rabaaniyiintu.

2- Ikhlaas: Cilmigooda iyo camalkoodaba allah dartiis bay ula jeedaan, sheikh Bakar abuu-Zeed wuxuu qoray kitaab uu ku magacaabay „At-Tacaalum‟ macnihiisuna yahay caalim iska yeel, wuxuu sheegay mas’alo uu u bixiyay „dhubuuliyaat‟ micnaheedu waa nin aan caalim aheyn oo soo bartay dhoor mas’alo si fiicanna u soo baaray oo raba inuu umada u tuso inuu caalim yahay oo marba meel ku boodi, marba sheikh xag xagan oo ka gar suran si loo yiraahdo waa caalim, u jeedadiisuna tahay in labarto.

3- Raacida Nabiga scw: Suura gal ma’aha inuu rabaani noqdo nin waddo qaloocan haya, imam Ibnu Rajab alle ha u naxariistee wuxuu yiri; “cilmiga naafica ah waa midka ku kooban kitaabka allah ,sunada nabiga scw iyo fahamkii salafka”.

4- Sharafta cilmiga iyo culimada oo la dareemo: Suura gal ma aha inuu rabaani noqdo qof aan culimada qadarinin, sheikh

la yiraahdo Al-jurjaani allah ha u naxariistee wuxuu yiri;, “waxay i leeyihiin waxaad tahay nin dadka dhaxgalkooda iska uruurin, waxay arkeen nin aan meelaha duliga tagayn (goob xun aan istaagayn), haday dadka ahlu cilmigu ilaalin lahaayeen cilmiga isaguna wuu ilaalin lahaa , hadii naftooda uu ku waynaan lahaa cilmigu dadkuna way wayneyn lahaayeen”.

5- Akhlaaq Wanaagsan: Rabaanigu waa ka dhaxgala dadka, waxa fiicanna usheega, kulana dhaqma akhlaaq wanaagsan, cilmigiisa ayaa dhaxalsiin inuu u naxariisto dadka una dhimriyo.

6- Nafta oo lagu dahiro acmaasha fiican: Camalku waa miraha cilmiga, cilmi aan camal fiican wadanna wuxuu ku noqon saaxiibkiisa hoog, halaag iyo xujo maalinta qiyaamo. Qaybahan aan kor ku soo xusay waxay ka mid yihiin tilmaamaha culimada rabaaniyiinta, waxayna leeyihiin tilmaamo intaas ka siibadan, oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Qormada xigta waxaan ka hadli doonaa inshaa allah tilmaamaha culumaa’usuu, yaa culimaa’usuu ah, maxaa lagu kala gartaa iyo Natiijida laga dhaxlayo? muxuu yahay hadafka ka danbeeya?, maxayse tahay natiijada ka dhalan?

Lasoco Qaybta labaad insha allaah

Waxaa qoray Sh. Ahmednuur macalim c/qaadir

Imam Masjid Abu-Bakr Islamic Center

Seattle, Washington

midnimo114@hotmail.com

Number Of Reads 491