Congratulations Dr. Sh. Ahmed Nuur – Abubakr Islamic Center of WA | SomTV-Seattle

Congratulations Dr. Sh. Ahmed Nuur – Abubakr Islamic Center of WA

Congratulations Dr. Sh. Ahmed Nuur – Abubakr Islamic Center of WA

IMG_8210

IMG_8212

IMG_8272

IMG_8210

IMG_8290

IMG_8311

IMG_8216

IMG_8193

IMG_8334

IMG_8158

IMG_8204

IMG_4945

IMG_4992

IMG_4894

IMG_4910

Saaka oo Jimce ah 5/08/15 ayaa Baaraha Soomaaliyeed ee Ahmed Nuur Macalim Cabdulqaadir ka qaatay Jaamacada Graduate Theological Foundation (GTF) kuliyadeeda Falsafada Islaamiga Shahaada Diktoornimadda taasoo lagu gudoon siiyey darajada Mumtaaz, taasoo ka mid ah heerka ugu sareeya ee lagu qaato shahaada PhD.

Cilmi baaraha, cinwaanka buugiisa uu qalin jabinta ku sameeyey ayuu u doortay “Taariikhada Xarakaadka Islaamiga iyo Raadka ay ku leeyihiin Mushtamaca Soomaalida 1950-2015”

Buuga cilmibaarista ee uu soo bandgigay cilmi baaruhu ayaa wuxuu aad usoo jiitay culummada ka doodaysay buugiisa, kuwaasoo kala ahaa, Dr. Cuamar Shaahiin oo ah Madaxa Qaybta daraasaatka Islaamka ee Jaamacada kor ku xusan, sidoo kalena Mushrif u ahaa baaraha iyo Dr. Al-waathiq Al-Cubaydiyi oo ah xubin ka baxsan jaamacada. Waxay aad u amaaneen baaritaanka iyo dadaalka lasoo bandhigay, waxayna ku tilmeen inuu yahay baarintaan mowduuca uu ka halayo si wanaagsan u xaqiijinaya, si heer sare ahna looga soo shaqeeyey.

Sida uu ku amaanay gudiga u xilsaarnaa qiimaynta iyo la doodida baaraha, waxay hoosta ka xariiqeen hal abuurka baaraha, mustawihiisa cilmiga, soo jiidashada daraasadan goob jooga ah, iyo awooda uu uleeyhay adeegsigiisa hababka loo adeegsado tusaalayaasha cilimi barista lagu sameeyo.

Waxaan aaminsanahay in Sh. Dr. Axmed Nuur cilmibaaris tiisu kusoo aadayso xili aad loogu baahnaa, meesheediina ay dhacday, dad kooban oo aan sida Dr. Axmed ugu xeel dheeryahay aqoonta xarakaat Islaamiga ah ee ka hana qaaday Soomaaliya ayaa qooro kooban kasameeyey mowduucan intaan ogahay, waxaanse aaminsanahay Buuga Dr. Ahmed Nuur ee ka kooban 237 bog inuu noqonayo daraasadii ugu horaysay ee si xeel dheer loogu eego taariikhada xarakaatka Islaamiga ee Soomaaliya mudadaas nus qarniga ah ee ay jireen. Sidoo kale buugu wuxuu fikir ka siinayaa akhristayaasha Xarakaadka Soomaaliya, xiligii ay aas aasmeen, cidii ka danbaysay, Manhajkooda, iyo Saamaynta ay ummada Soomaaliyeed ku yeesheen.

Dr. Axmed Nuur buugiisa ayaa dhawaan la daabici donaa insha allaah, waxaana uga mahad celinayaa Dr. Axmed inuu ii hadiyeeyey buugiisa nuskho ka mid ah inta aan wali la daabicin, Jazaakallahu khayr.

Sh. Dr. Ahmed Nuur wuxuu ka mid yahay culummada sida wayn looga yaqaan Waqooyiga Ameerika dacwo iyo Nashaad badana kawada, Sheikh Ahmed Nuur waa Imaamka Masjidka Abubakar Islamic Center ee Seattle Washigton, waana Ku xigeenka Gudoomiyaha Shuurada ee Golaha imaamyada Waqooyiga Ameerika.

Ugu danbayntii anigoo fursadaan ka faa’iidaysanaya ayaan si aad iyo aad ah ugu hambalyeynayaa saaxiibkay Fadiilatu Sheikh Dr. Ahmed Nuur Macalim Abdulqaadir waxaana leeyahay Mabruuk, illaahayna waxaan waydiisanayaa inuu sheikha cilmigiisa ka dhigo cilmi raasikh ah oo khalqiga illaahay ku intifaaco, Sheikhana illaahay waxaan uga baryayaa inuu khaatumo wanaagsan iyo inuu cilmigiisa iyo camalkiisaba barakeeyo.

Sheikh. Hassan Dhooye
dhooye@hotmail.com

source: http://halgan.net

Number Of Reads 847