Sheekh Maxamed Umal been abuurka oo shaqo laga dhigto si loo xalaalshado dhiiga muslimiinta.(Daawo) | SomTV-Seattle

Sheekh Maxamed Umal been abuurka oo shaqo laga dhigto si loo xalaalshado dhiiga muslimiinta.(Daawo)

Nairobi:-Sheekh.Maxamed Cabdi Umal ayaa caawa muxaadaro u jeediyey boqolaal Soomaali ah oo kala socday Qolka Islamic Al-taqwaa Center ,Teleconverceyada isagoo ku sugan Masjidka weyn ee Abuubakar ee magaalada Nairobi , muxaadarada ayaa sheekha waxaa uu cinwaan ├║ga dhiga been abuurka la rabo in lagu xalaaleysto dhiiga Muslinka gaar ahaan culimada dalka Soomaaliya , Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu muxaadaradiisa uu kag hadlay hadal uu Sheekh Xassan Maxamuud Takar ka jeedi yey magaalada Baydhabo hadalkaas oo uu wadaadku ku weeraray culimo kale duwan oo uu ka mid yahay Shiikh Umal oo uu sheegay in kulan uu ka qayb galay uu baneeyey in ciidanka dalka Kenya ay gali karaan Soomaaliya arrinkaas iyo arrimo kale oo uu ka hadlay wadaadka Xassan Takar ayaa waxaa uu Sheekh Umal ku tilmaamay in hadalkaas uu yahay mid been abuur ah oo Alle aan looqa baqin lana dhowrin amaanadii cilmiga.

Hoos ka Dhageyso Maqal Iyo Muuqaal Qeybtii Koowaad

Number Of Reads 3479