Sidee Looga Ciiday Seattle,Washington Maanta Ciidul Adhxaha 2012 | SomTV-Seattle

Sidee Looga Ciiday Seattle,Washington Maanta Ciidul Adhxaha 2012

Ciid Mubaarak Allahana inaga aqbalo Camalka wanaagsan Sanadkan Sandkiisana Nabad iyo Barwaaqo allaha inagu gaardhsiiyo,Maanta waxaa si weyn looga ciiday magaalada seattle ee gobalka Washington.

Masjidka Ugu weyn magaalada ee Abu-bakr seattle waxaa ku tukaday kumannaan dadweyna ah oo kala tukaday 3 qaybood 8:30/9:30/10:30 Subaxnimo taasina waxaa ay ku tusineysaa badnaanshaha dadka muslimiinta ah ee maanta ku tukaday masjidka Abu-bakr Islamic Cenmter.

Sheikha iyo Imamka Masjidka Ayaa Dadka Tujiyay 3-da qayboodba Sheikh Axmed-Nuur Macalin cabdiqaadir oo sadaxda qodbadoodba kusoo qaatay ahmiyada ay leedahay maanta oo kale ayna haboontahay in muslimiinta ay is cafiyaan mel walba ay joogaan.

Muslimiinta Gobalkaasi Washington ayaa waxaa ay aad ugu walwalsanaayeen goobta lagu tukan doono maadaama goobihi la tukan jiray la waayay sanadkan dadkana ay wada doonayeen in masjidka Abubakr ku tukadaan balse alle mahaddii waxaa ay noqotay ciiddii ugu farxadda badneyd ee ka dhacday magaaladaasi waxaana mahad oo dhan ay u sugnaatay alle Subxaanahuhu Watacaala ka dib Walaalihii Sida wanaagsan ugu adeegay bulshada kuwa ka shaqeeynayay gudaha iyo dibaddaba alle ha ugu badalo Janno.

Waxaan idin leenahay Ciid Mubaarak.

Halka hoose ka daawo VIDEO.

Number Of Reads 3384