TAARIIKH NOLOLEEDKII SH. DR. AXMED XAAJI CABDIRAXMAN SI KOOBAN | W.Q: Sh Mohamed Idiris Axmed | SomTV-Seattle

TAARIIKH NOLOLEEDKII SH. DR. AXMED XAAJI CABDIRAXMAN SI KOOBAN | W.Q: Sh Mohamed Idiris Axmed

Taariikh Nololeedkii sh. Axmed X. Cabdiraxman
By Sh. Maxamed Idiris

Mahad oo dhan Ilaah baa leh, Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato, waxaan wax yar oo hordhac ah warqaddan ku xariiqayaa si koobaan, Noloshii Walaalkay, Saaxiibkay, Rafiiqii Cimriga Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, oo kedis ah, maalintii isniinta 9 Muxarram 1433 (Dec. 5, 2011) Dhagar qabayaal inkaari raacday ku toogteen Magaalada Boosaaso, Isagoo Salaadii Subax kasoo baxay, oo Sooman. Si dadka aan aqoon badan u lahayni u ogaadaan, ninka manta la dhaafshey Ummadda Islaamka iyo Soomaalida, iyo Culimada iyo Ducaadda kusoo qaadanaya khudbadaha iyo Muxaadaraadka ay u ogaadaan, yuu ahaa: Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman:

Sh. Axmed Xaji Cabdiraxman Maxamed xirsi wuxuu ku dhashay magaalada, gaalkacayo, gobolka Mudug. Wuxuu ka dhashay qoys wanaagsan oo Ehelu diin ah. Aabihiis Waa Cabdiraxman Maxamed Xirsi wuxuu ahaa nin cibaado, oo wajiih ah, oo odayaasha goboladaas ka mid ah. Hooyadiisna waa Faadumo Cismaan Yusuf Keenadiid, awoowihiis hooyo , waa cismaan yusuf oo ahaa nin Soomaaliyeed, oo Gabyaa ah oo aftahana, Wadaniya, oo Luqada Soomaaliga in afkii Cusmaaniyada lagu qoro halgan badan u galay, xornimada Soomaaliya halgankeedana taariikh ku lahaa. Taasoo sheekha raad weyn ku lahayd, jeclaantiisa Luqada Soomaaliga iyo Suugaanteeda, iyo Xornimada iyo Qaran nimada Ummadda Soomaaliyeed.

Sh. Axmed wuxuu Dugsiga Qur?aanka ka bartay Macalin Caan ahaa oo reer Gaalkacayo yaqaanaan lana dhihi jirey Macalin Daahir, Qur?aanka ayuu ku xifdiyey, fiqhiga sida Minhaajkana wuu ka akhristay, aad ayuu u jeclaa Macalinkiisaas marar badan ayaanan ka maqlay afkiisa qaddarinta iyo xurmada uu u hayey macalinkiisaas, taasoo aniga laftaydaba igu dhalisay inaan jeclaado anigoon arag Macalin Daahir, duriyadiisi mar aah Canada, ku arkay ayaan u sheegay.

Dugsiga Hoose wuxuu Sh. Axmed ku Qaatay Iskuuladii Gaalkacayo gaar ahaan kuwii carabiga lagu dhigi jirey ee Macalimiinta Masaaridu keentay, taasoo ku beertay Sh. Axmed, Jecaylka Luqada Carabiga, iyo inuu si wanaagsan, iyo khad quruxbadan ku qoro.Wuxuu ii sheegay buugaagtiisi Dugsiga Hoose ee waagaas inuu wax ka haysto ilaa waqti dhow. Waxaa Waqtigaa ay isku ayni ahaayeen, isku magaalana ahaayeen, Culima Caan ah, Sida Sh. Bashiir Axmed Salaad, iyo Sh. Maxmed Shiikh Cismaan, Labadaba Allaha Dhawro.

Wuxuu Tacliinta dhexe iyo Sare ku qaatay Muqdisha, gaar ahaanna Iskuulkii Jamaal Cabdinasir ayuu ka qalin jebiyey. Wuxuu ahaa ardayga Koowaad, Wuxuuna xaq u yeeshay ardayda minxada dibadda loogu diro. Axmad oo waayadaas kusoo biiray dhaqdhaqaaqii Islaamiga ahaa ee Al Ahl ayaa isaga iyo rag kaleba lagu khasbay iney galaan dhinaca Militeriga si ay Islaamka wax u taraan Mustaqbalka. Axmed waxaa Dawladii u dirtay Wax barasho Kulliyadda Caskariga ee Ciraaq, wuxuuna joogi Jirey Magaalada Moosil ee dalkaas, Halkaas oo uu kaga soo Qalin jebiyey afar Sunnadood Kulliyadda Xarbiga, Kuna Noqday Ardayga Koowaad, Xagga Wax barashada iyo Nidaamka, iyo Hannaanka ilaalintiisa. Wuxuu ii sheegay, Macalinkiisi Kulliyadda ee Generaalka ahaa inuu axmed aad u jeclaa, uuna ka dalbay inuu axmed sii joogo Ciraaq.Dr. Axmed Wuxuu ahaa nin Dadku Dhaqsi u Jeclaadaan.

Wuxuu Dr. Axmed soo Qalin Jebiyey, Horraankii 1980 kadibna dalka ayuu kusoo laabtay, isagoo Sarkaal Militeri ah ooh al xiddig wata, tii labaadna qaadanaya, ayuu Militeriga ka ruqsaystay. Waqtigaa waxaa Dhaqdhaqaaqii Saxwada soo galay Fikraddii Takfiirka, Taasoo Ilaahay ka badbaadshey. Kadibna wuxuu u hayaamay Dalka Sucuudiga isagoo Cilmi baadigoobaya. Waxaa laga aqbalay Jaamacadda Ummul Quraa e Makka Al Mukarramah, imtixaankii aqbalaadda ayuu wuxuu ka galay ardaygii 1aad carab iyo Cajam. Waxaa arrinkaa la yaabay oo u quuri waayey ardaydii dalkaas iyo qaar macalimiintii, in arday ajnebi ah, oo haddana afrika ka yimi, uu No. 1 ka qaado, ardaygii ugu horreeyey dalkaas Dugsiyada Sare. Imtixaankii ayaa mar labaad la yiri dib haloo soxo, laakiin haddana No. 1 ayuu galay, sidaas ayaana lagaga haray. Waxaa lagu qoray Kulliyadda Dacwada iyo Usuusha Diinta, qaybta Kitaabka iyo Sunnada.

Dr. Axmed wuxuu Ardaynimada Jaamacadda ku dhamaystay waqti ay ku camirnayd Culimo Caalamka Islaamka Macruuf ka ahayd, Waa ka mid ahaa Culimada Markaas Wax ka dhigta: Sh. Maxamed Qudb, Sh. Sayyid Saabiq Allaha u Naxariisto, Sh. Maxamed Al Qazali, Allaha u Naxariisto, Sh. Abdiraxman Al Maydaani, Raggii xoogaa sanadaa ka horreeyey waxaa ka mid ahaa, Sh. Safar Al Xawaali. Waxaa kaloo Sh. Axmad uu wax badan Jaamacadda Dibadeeda aanu isla hoos fariisannay, kana wada faaiidaysanney, Culimadii dalka Sucuudiga ilaa waagaas joogtey uguna waaweynayd, Sida Sh. Cabdulcaziz Ibnu Baz, Raximahullah, Sh. Maxamed Ibnu Cutheymiin, Raximahullaah, iyo Culimo aad u fara badan ee dalkaas ku sugnayd ama imaan jirtey.

Dr. Axmed Markuu Kulliyadda Dacwada ka qalin jebiyey wuxuu kaga baxay Buundada u sarraysa, Isla markiina waxaa Jaamacaddu u ogolaatay, Master inuu diyaariyo, Wuxuu ku qaatay kuna Takhasusay Cilmiga Xaddiiska, Mawduuciisuna wuxuu ahaa, Qayb ka mid ah Kitaabka:: (Al Ilmaam bi Fawaa idi Cumadatil Axkaam) ee uu Leeyahay Al Imaam Siraajuddin Ibnul Mulaqqin. Wuxuuna ku Qaatay: Mumtaaz, oo ah darajada ugu saraysa. Isla markiiba waxaa Jaamacaddu u aqbashay Qaybta Diktoorada (phD) inuu diyaarsho, wuxuuna doortay Mawduuca : Al Xafid Muqalday Ibnu Qileej iyo Dadaalkiisi Cilmiga Xaddiiska. Wexey ahayd Baaritaan adag, Hase yeeshee, Dr. Axmed oo markaas aqoontiisu sii gaamurtey uu u babac dhigay. Mar anagoo Diktoorka wada socona ayaan Madiina Booqanay, Waxaan la Kulanay, Imaamkii Muxaddithka ahaa Sh. Al Callaama: Xammaad Al Ansaari, Raximahullaah, oo ahaa, Marjica Cilmiga Xadiiska waqtigaas, Jaamacadda Madiinana Weli wax ka bari jirey, markuu Diktoorku u sheegay, Risaalada Diktoorada uu qorayo, aad ayuu ula yaabay wuxuu yiri: Waa Baxthi adag, oo haddana aan cidi samayn ee Allaha kuu fududeeyo.

Dr. Axmed markii uu dhamaystay Diktoorada lana niqaashay, waxaa lagu siiyey Darajada u sarraysa, ee Martabatu Sharafta Koowaad la dhoho, iyo in kitaabka la daaboco. Wexey ka koobnayd 597 bog oo sheekhu qoray. Waxaana la niqaashay oo uu qalin jebiyey 29/7/1420 oo ku beegnayd (7 Nov, 1999). Sidaas ayuu marxaladihii Jaamacada oo dhan Dr. Axmed kusoo dhameeyey.
Isla markiiba wexey Jaamacaddu usoo bandhigtay inuu wax ka dhigo oo Makka iska joogo, hase yeeshee Diktoorka oo ku taamayey inuu cilmiga uu soo bartay Ummaddiisa uga faaiideeyo, wuxuu go?aankiisu ahaa inuu dalka kusoo laabto, isagoo uu kasii horreeyey, Saaxiibkaya, Dr. Cabdul Qaadir Maxamed Cabdullaahi oo geeriyoodey 2010. Si ay u furaan Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso. Halkaas oo Dr. Axmed ka noqday Masuulka Labaad ee Jaamacadda iyo Macalinka Culuumta Sunnada, iyo aqoonta guud iyo Suugaanta. Arday badan iyo Cilmi badan ayuu meeshaas 1999 ilaa manta 2011 ku qaybshey, dad bandanna kaga haqab tiray.

Dr. Axmed wuxuu Culimada iyo Ducaadda Soomaaliyeed maanta ka ahaa, ninka Koowaad, marka loo eego sifooyinka badan ee uu kulansaday. Cilmi, Caqli, Aqoon kala duwan, cilmi maadiya oo caskariya, oo istraatiijiya, Fiqhi iyo Fahmad sarraysa, edeb iyo xishood aanu indhaha kugu dhufan Karin, deeqsinimo, geesinimo, u turid dadka iyo hufnaan dhan walba leh. Wuxuu ahaa xiddig weyn oo ka dhex iftiimaya Culimada Geeska Afrika. Wuxuu ahaa nin aadan hadalkiisa ka daalin, xikmadda iyo aqoonta, iyo gabayga iyo maahmaahda iyo tusaalayaasha. Waxaanu marar badan isu raacnay safari, waxaanu wada booqanay, culimo, waxaa ka mid ahayd markaanu ku booqanay sh. Maxamed Ibnu Cutheymiin, Raximahullaah, Magaaladiisi iyo Masjidkiisi, Cunayza, salad casar ayuu gacanta midigta iga soo qabsaday sheekhu dhanka bidixna Axmad, ilaa aanu gurigiisa ka gaarno, kadibna wuxuu noo qoray Tazkiyo. Waxaan hayaa Tazkiyooyin aanu ku wada qoranahay, Sh. Ibnu Baaz, Sh. Ibnu Cutheymiin, Sh. Cabdallah Bin Jibriin, Allaha u naxariisto, Sh. Naasir Al Cumar, Sh. Safar Al Xawaali, iyo Culimo kale oo qeyrkood ah.

Dr. Axmed Wuxuu ka qayb galay dhammaan ururadii bilawga ahaa ee saxwada Islaamka, waxaan dhihi karnaa wuxuu ka mid ahaa, xubnaha yare e Ilaahay ku sababay, kana shaqeeyey, Fahamka Islaamka iyo Baraaruggiisa manta adduunka meel walba gaarey.
Wuxuu Dr. Axmed ka qayb qaatay oo aan goob jog u ahaa, dhammaan nashaadaadkii dacwada meel kasta laga fulinayey dalka Soomaaliya, Dibadaha, iyo Dalalka nagu dhow, wuxuuna ka geysan jirey talo iyo tabar tan ugu fiican.

Waxaan u rajaynayaa iney ayaan wanaaggiisa tilmaameysey, inuu Ilaahay noloshaas dheer ee dacwada iyo diinta ah iyo cibaadada, ugu khatimay, Xajkii inuu soo guto, maalma kadibna, isagoo salaadii Subax Jamaacada kusoo tukadey, oo Caashuuradii Sooman, inkaar qabayaal jidka ku toogteen, caruurtiisiina ka oohiyeen oo agoomeeyeen, sida la sheegay qaar ayaa ilmaha suuxay. Ilaahay waxaan ku baryey, magacyadiisa quruxda badan iyo sifooyinkiisa sareeya, inuu Ilaahay Dr. Axmed u Naxariisto, Janaatul Firdoowsana hoygiisa ka dhigo, Ilaahayna Jannooyinka nagula kulmiyo, Sidaanu Adduunkaba ugu Walaalowney. Kuwa dilkiisa ka dambeeyey, ama fuliyey, ama raali ka noqday, ama dhiirri geliyey, ama wax ma garatada iyo cadawga farta ugu fiiqay, inuu Ilaahay ka aarsado, Nolosha inuu Ilaahay ku dhibo, Geeridana ku silciyo, cawradooda inuu ilaahay kashifo, fadeexad Ummaddu wada aragtana ilaahay kasoo saaro. Ilaahow aamiin, Ilaahow aamiin, Ilaahow aamiin.

W/Q: MUXAMAD IDRIS AXMED 12/Muharram/1433 ? Dec 7, 2011

Number Of Reads 2866