Sheekh Maxamed Umal been abuurka oo shaqo laga dhigto si loo xalaalshado dhiiga muslimiinta.(Daawo)

Posted on 11th December 2011 in News

Nairobi:-Sheekh.Maxamed Cabdi Umal ayaa caawa muxaadaro u jeediyey boqolaal Soomaali ah oo kala socday Qolka Islamic Al-taqwaa Center ,Teleconverceyada isagoo ku sugan Masjidka weyn ee Abuubakar ee magaalada Nairobi , muxaadarada ayaa sheekha waxaa uu cinwaan úga dhiga been abuurka la rabo in lagu xalaaleysto dhiiga Muslinka gaar ahaan culimada dalka Soomaaliya , Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu muxaadaradiisa uu kag hadlay hadal uu Sheekh Xassan Maxamuud Takar ka jeedi yey magaalada Baydhabo hadalkaas oo uu wadaadku ku weeraray culimo kale duwan oo uu ka mid yahay Shiikh Umal oo uu sheegay in kulan uu ka qayb galay uu baneeyey in ciidanka dalka Kenya ay gali karaan Soomaaliya arrinkaas iyo arrimo kale oo uu ka hadlay wadaadka Xassan Takar ayaa waxaa uu Sheekh Umal ku tilmaamay in hadalkaas uu yahay mid been abuur ah oo Alle aan looqa baqin lana dhowrin amaanadii cilmiga.

Hoos ka Dhageyso Maqal Iyo Muuqaal Qeybtii Koowaad

comments: Comments Off on Sheekh Maxamed Umal been abuurka oo shaqo laga dhigto si loo xalaalshado dhiiga muslimiinta.(Daawo)

Reer Minnesota oo Allah ka baryey in uu Kashifo ciddii ka dambeysey Dilkii Sheikh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan

Posted on 11th December 2011 in News

“Dadka Soomaaliyeed halkii ay rasaas ku wada hadli lahaayeen waa in ay ku bedeshaan wada hadal. Dariiqa keliya ee ay ummadda Soomaaliyeed wax ku xallinayaan waa in ay noqotaa wada hadal.” hadal uu yiri Dr. Axmed Xaaji Cabdirxamaan intii uu noolaa…

Taariikhdii Sheikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Nadwadii cilmiga ahayd loogana hadlayey culimmada iyo booskay ummada uga jiraan ayaa maalinteedii labaad kasocota Masaajidka Abuubakar ee Minneapolis, Nadwada qaybteeda maanta ayaa aad muhiim u ahayd waxaana lagu soo bandhigay cilmi, kor uqaadida arigtida ummada iyo macluumaad fara badan oo wax ku ool ah.

Muxaadaro ku saabsan taariikhdii marxuum Sheikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo lagu diley Boosaaso ayaa December 10, 2011 lagu qabtay masjidka Abuubakar Asidiiq ee magaalada Minneapolis, waxaana ugu horayn ka hadlay Sheikh Maxamed idris, oo marka hore ku xeel dheeraaday masuubada la soo gudboonaata Mujtamaca aan ka dhiidhiyin culimadooda oo lagu dhex laayo, ama lagu dhex dhibo.

Sheikh Maxamed Idiris waxa uu aad uga hadlay taariikhdii, noloshii iyo waxbarashadii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo sidii loo diley.

Waxana uu hordhac ahaan ka hadlay Masuubada Ummadda Islaamka soo martay waxaa ugu weyneyd Geeridii Nebi Muxamed Nabad gelyo in Naxariisi Korkiisa ha ahaate (NNKH), sababtoo ah waxaa halkaas ku go’ay waxyigii Rasuulka NNKH. Nebiyadu kama tegin xoolo/maal ee waxay ka tageen dhaxal cilmi. Waxaana Nebiga cilmigiisa dhaxlay Culimada.

Sh. Maxamed Idiris oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri:

Culimadu waa sida il biyo ka burqanayaan oo macaan oo dadku ka cabayaan, haddii culimadu dhimato waxaa go’aysa isha ay dadku ka cabayeen. Ummaddan majiro nebi ka dambeeyey Nebi Muxamad oo u soo baxaya, laakiin waxay leeyihiin cilimo uu Allah ku xafiday diinta. Allah ayaana ballan qaaday in diinta Islaamka ee uu soo dejiyey inuu xafidayo, culimada ayaana ka mid ah waxyaabaha Allah ku xafido diinta.

Sidaas daraadeed cilimada geerideedu waa masiibo ay tahay in laga tiiraanyoodo. Haddii ay meesha ka baxaana waxaa meesha ka baxaya cilmigii ay xambaarsanaayeen.

Geeridaas waxaa ka sii daran in ay ku dhintaan gardaro, xaq darro ah. Ummadda culimada lagu dhex laayona khatar ayey galayaan, waayo dadkii diinta xambaarsanaa oo la dilayo si gardaro ama lagu xumaynayo ama lagu ciqaabayo dhexdooda ayagoo aan ka qiiroonayn, ummaddaasi waxay ku jirtaa khatar.

Sheikh Dr. Axmed Xaaji waxaa la diley isagoo Sooman oo salaadda Subax soo tukadey

9kii Muxarram (Isniinta 9 Muxarram 1433 H — 12/5/2011) isagoo ka soo baxay masjidka, soona tukadey salaaddii subax, oo ay tahay bil xurma leh, oo uu xajka ka soo noqday, oo uu subaxdaas soomaanaa sagaalaadka ayaa la diley. Markii la dilayey waxaa la socdey nin kale, sida uu nikaasi sheegay waxaa u yimid laba nin oo dhallinyaro ah, waxayna rasaas ku fureen Sheikh Dr. Axmed iyagoo la kor tegey si ay ugu hubsadaan in uu dhintay, sida uu sheegay ninkii la socdey.

Habeen ka horeeyey geeridiisii waxa Dr. Axmed Xaaji uu muxaadaro ka jeediyey Masjid Rowda ee magaalada Boosaaso oo uu ku baaqayey in la caawiyo dadkii masiibadu ka soo gaartey dabkii ka dhacay magaalada Boosaaso. Waxaana hadalladiisii habeenkaas ka mid ahaa in aan adduunkaan cidna loo deynayn.

Dr. Axmed Xaaji Waxa uu Shahaadada ugu saraysa ka qaatay Jaamac u taal Sucuudiga

Sheikh Maxamed Idiris oo ka warbixinayey taariikhdii Sheikh Dr Axmed Xaaji waxa uu yiri:

Dr. Axmed waxaan is baranay markii uu usoo wareegey dalka Sucuudiga sannadkii 1986dii si uu uga barto culuunta sharciga. Waqtigaas oo aan ku sugnaa Sucuudiga ayaan is barangay.

Magaciisa oo uu buuxa waa Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Maxamed Xirsi Samatar, waxana uu sannadkii 1958-dii ku dhashay magaalada Gaalkacayo. Aabahiis waxa uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid aha halgamayaashii Soomaaliyeed ee SYL ka tirsanaa. Hooyadiis waa Faadumo Cismaan Yuusuf Keenadiid oo ah qoys aad loo yaqaan. Quraankana waxaa baray macallin Daahir.

Dugsigii Sare waxa uu ka dhigtay Muqdisho oo uu wax ka bartay dugsi ay Masaari wax ka dhigi jirtey. Markii uu dhamaytay dugsiga sare, derejeda ugu saraysa, ayaa waxaa deeq-waxbarasho loogu qaaday dalka Ciraaq, halkaas oo uu wax ka soo bartay machad academy oo uu afar sano kaddib sarkaalnimo kaga soo baxay. 20-ji ayuuna ahaa markuu tegey Ciraaq.

Markii uu Soomaaliya ku soo noqday waa ka ruqsaysatay ciidamada.

Sheikh Axmed Xaaji waxa uu ahaa ehelu diin. Taas si uu u sii xoojiyo waxa uu 1986-dii tegey Saacuudiga, si uu u barto Shareecada. Waxana laga aqbalay kulliyada Ummu-quraa. Waxa uu ahaa ardayga ugu derejada sareeyey ardaydii laga qaaday imtixaankii jaamacadda lagu gelayey.

Waxana uu galay jaamacaddaas kulliyadeeda Dacwah & kitaab iyo sunnah. Markii uu dhameeyey waxaa markiiba loo aqbalay Masterka oo uu sii watey jaamacaddii, markii uu taas dhammeeyey waxaa loo aqbalay Phd oo uu 1999 dhameeyey, markaas oo qaatay derejeda ugu saraysa ee jaamacadeed.

Markii waxbarashada dhamaystay ayuu ku laabtay Soomaaliya si uu cilmigiisa ugu faa’iidiiyo dadka Soomaaliyeed. Waxaana halkaas uga sii horeeyey saaxiibkiis Dr. C/qaadir Maxamed Cabdalle. Waxana uu Dr. Axmed wax ka asaasay Jaamacada Bariga Afrika. Halkaas oo masuulna ka noqday, kana mid noqday macallimiinta jaamacadda.

Sheikh Dr. Axmed Xaaji waxa uu ku dhintay 53-jir, ilaa 20-jirkiisiina waxa uu ku soo dhex jirey fidinta diinta Islaamka. Waxana uu ka soo qayb qaatay saxwooyinkii Islaamka.

Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan waxa uu ahaa nin aad u deggan oo aan xamaasad iyo caadifad wax ku miisaamin. Waxa uu ahaa aftahan, maahmaayaha iyo suugaanta aad u jecel, kuna xeel dheeraa. Waxa uu ahaa nin xishood badan, oo xeerin badan oo dulqaad badan. Waxa uu ahaa nin cibaadaysta, oo adkaarta aan marna hilmaamin oo carrabkiisu uusan ka daalin jirin xuska Allah. Waxa uu ahaa nin aad u caqli badan. Waxana uu ahaa nin sharafkiisa ilaashada, ayuu yiri Sh. Maxamed Idiris.

Sheikh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan ma dhici jirin in uu qof wax weydiisto ama cidna in uu waxweydiisto. Mana jeclayn in uu u tago dadka madaxda ah si uu isaga dhawro oo aan loogu malayn in uu wax ka doonayo. Waxana uu ahaa nin aad u cilmi badan oo dadka soo dhaweeya.

Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan waxa uu akhrin jirey kutubta noocyadooda kala duwan, cilmiga Islaamka iyo maadigaba, waxana uu akhrin jirey kutubta ku saabsan waxyaabaha casrigan taagan.

Sheikh Maxamed Idiris oo ku xeel dheeraaday taariikhdii marxuum Sheikh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan waxa uu yiri: Dr. Axmed waxa uu aad isugu taxallujiyey in ummadda Soomaaliyeed ay xal hesho.

“Dadka Soomaaliyeed halkii ay rasaas ku wada hadli lahaayeen waa in ay ku bedeshaan wada hadal” Sheikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Sheikh Idiris waxa uu yiri dhowaan (ka hor geeridiisii) ayaa waraysi lala yeeshay Sheikh Axmed Xaaji waxaa la weydiiyey su’aal ahayd maxaad u dardaarmeysaa Soomaalida, waxana jawaabtiisii ka mid ahayd: Dagaalka labada qof ee Muslimiinta waxbuu dumiyaa ee wax ma dhiso… Dadka Soomaaliyeed halkii ay rasaas ku wada hadli lahaayeen waa in ay ku bedeshaan wada hadal. Dariiqa keliya ee ay ummadda Soomaaliyeed wax ku xallinayaan waa in ay noqotaa wada hadal.

Sheikh Muxamed Idiris waxa uu yiri: Dr. Axmed waxa kale oo hadalkiisii ka mid ahaa (isagoo muujinayey sida uusan raali uga ahayn in dalka Soomaaliya ay ajnabi ku soo duulaan): “Dadkii hore maxay ka faa’iideen ajnabiga ay soo kaxaysteen, halkaas waxa wuxuu ku cadaynayey in Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan uusan raali ka ahayn in dalkaas Muslimiinta ah lagu soo duulo ama ajaanib loo soo kaxayso, sida ay culimada oo dhammi aysan raali uga ahayn in dalka Soomaaliya ee Muslimka ah lagu soo duulo, ayuu yiri Sheikh Maxamed Idiris oo akhrinayey hadalkii Sheikh Dr. Axmed Xaaji.

Arrimaha Soomaaliya waxa uu Dr. Axmed Xaaji ka rumaysnaa in dalkaas aan la loogin, ee wada hadal halaga yeesho (oo xalku yahay wada hadal), ayuu yiri Sheikh Maxamed Idiris oo ku dheeraday taariikhda marxuum Sheikh Dr Axmdd Xaaji C/raxmaan.

Sheikh Dr. Axmed Xaaji waxa uu ka tegey afar xaas iyo lix carruur ah. Allah ha u naxariisto.

Sheikh Maxamed Idiris waxa uu Allah ka baryey in uu Allah nolosha ku kashifo kuwii diley Sheikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan. In Allah soo shaac saaro oo aduunka ku fadeexeeyo, oo nolosha iyo geerida Allah ku dhibo kuwii diley Sheikh Axmed Xaaji. Waxaana markaas dadkii muxaadarada dhegeysanayey ay yiraahdeen AAMIIN.

Taariikhdaas ku saabsan Sheikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo uu soo jeediyey Sheikh Maxamed Idiris kaddib waxaa dhawr muxaadaro soo jeediyey Sh. C/llaahi Ibraahim, Cabdirsaaq Sancaani, Sheikh C/raxmaan Sheikh Cumar iyo Sheikh Axmed Nuur iyo Sh. C/risaaq Xaashi. Waxaayna dhammaantood xeel dheeraadeen cawaaqib xumida ay la kulmaan dadka culimada laaya ama dhibaateeya.

Muxaadarooyinkaas gabagabadoodii ayaa la weydiiyey su’aal ahayd “Yaa diley Sheikh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan?”

Waxaa markaas culimadii kulanka ka hadlay sheegeen in ay jireen hanjabaado hore loogu soo jeediyey Shirkh Dr. Axmed Xaaji, waxaana la akhriyey email uu u soo diray nin qof isku magacaabay Hurre jebel-jaan, kaas oo si kulul ugu dhaartay Sheikh Axmed Xaaji.

Dadkii goobta hadaladooda lagu xusay waxaa ka mid ahaa Sh. Xasan Takar iyo Sh. Xasaan Xuseen oo Masaajidka laga daaray hadaladii ay Culimmada ka yiraahdeen, hadalka Sh. Xasaan hoos ka dhagayso /akhri.

Sheekh Xasaan: Halganka maanta dunida kasocda wadaadada xagaldaacinaya oo docwareemaya Yastaxiquuna in aduunka ladhaafiyo

Codadkii iyo fadwooyinka loo aanayn nayo in ay ku lug leeyihiin dilkii marxuum Dr. Axmed Xaaji kala soco Video laga duubay muxaadarada (la soco insha Allah…)

Muxaadaradii xalay Sh. Axmed Nuur jeediyey Daawo




comments: Comments Off on Reer Minnesota oo Allah ka baryey in uu Kashifo ciddii ka dambeysey Dilkii Sheikh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan

TAARIIKH NOLOLEEDKII SH. DR. AXMED XAAJI CABDIRAXMAN SI KOOBAN | W.Q: Sh Mohamed Idiris Axmed

Posted on 10th December 2011 in News

Taariikh Nololeedkii sh. Axmed X. Cabdiraxman
By Sh. Maxamed Idiris

Mahad oo dhan Ilaah baa leh, Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato, waxaan wax yar oo hordhac ah warqaddan ku xariiqayaa si koobaan, Noloshii Walaalkay, Saaxiibkay, Rafiiqii Cimriga Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, oo kedis ah, maalintii isniinta 9 Muxarram 1433 (Dec. 5, 2011) Dhagar qabayaal inkaari raacday ku toogteen Magaalada Boosaaso, Isagoo Salaadii Subax kasoo baxay, oo Sooman. Si dadka aan aqoon badan u lahayni u ogaadaan, ninka manta la dhaafshey Ummadda Islaamka iyo Soomaalida, iyo Culimada iyo Ducaadda kusoo qaadanaya khudbadaha iyo Muxaadaraadka ay u ogaadaan, yuu ahaa: Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman:

Sh. Axmed Xaji Cabdiraxman Maxamed xirsi wuxuu ku dhashay magaalada, gaalkacayo, gobolka Mudug. Wuxuu ka dhashay qoys wanaagsan oo Ehelu diin ah. Aabihiis Waa Cabdiraxman Maxamed Xirsi wuxuu ahaa nin cibaado, oo wajiih ah, oo odayaasha goboladaas ka mid ah. Hooyadiisna waa Faadumo Cismaan Yusuf Keenadiid, awoowihiis hooyo , waa cismaan yusuf oo ahaa nin Soomaaliyeed, oo Gabyaa ah oo aftahana, Wadaniya, oo Luqada Soomaaliga in afkii Cusmaaniyada lagu qoro halgan badan u galay, xornimada Soomaaliya halgankeedana taariikh ku lahaa. Taasoo sheekha raad weyn ku lahayd, jeclaantiisa Luqada Soomaaliga iyo Suugaanteeda, iyo Xornimada iyo Qaran nimada Ummadda Soomaaliyeed.

Sh. Axmed wuxuu Dugsiga Qur?aanka ka bartay Macalin Caan ahaa oo reer Gaalkacayo yaqaanaan lana dhihi jirey Macalin Daahir, Qur?aanka ayuu ku xifdiyey, fiqhiga sida Minhaajkana wuu ka akhristay, aad ayuu u jeclaa Macalinkiisaas marar badan ayaanan ka maqlay afkiisa qaddarinta iyo xurmada uu u hayey macalinkiisaas, taasoo aniga laftaydaba igu dhalisay inaan jeclaado anigoon arag Macalin Daahir, duriyadiisi mar aah Canada, ku arkay ayaan u sheegay.

Dugsiga Hoose wuxuu Sh. Axmed ku Qaatay Iskuuladii Gaalkacayo gaar ahaan kuwii carabiga lagu dhigi jirey ee Macalimiinta Masaaridu keentay, taasoo ku beertay Sh. Axmed, Jecaylka Luqada Carabiga, iyo inuu si wanaagsan, iyo khad quruxbadan ku qoro.Wuxuu ii sheegay buugaagtiisi Dugsiga Hoose ee waagaas inuu wax ka haysto ilaa waqti dhow. Waxaa Waqtigaa ay isku ayni ahaayeen, isku magaalana ahaayeen, Culima Caan ah, Sida Sh. Bashiir Axmed Salaad, iyo Sh. Maxmed Shiikh Cismaan, Labadaba Allaha Dhawro.

Wuxuu Tacliinta dhexe iyo Sare ku qaatay Muqdisha, gaar ahaanna Iskuulkii Jamaal Cabdinasir ayuu ka qalin jebiyey. Wuxuu ahaa ardayga Koowaad, Wuxuuna xaq u yeeshay ardayda minxada dibadda loogu diro. Axmad oo waayadaas kusoo biiray dhaqdhaqaaqii Islaamiga ahaa ee Al Ahl ayaa isaga iyo rag kaleba lagu khasbay iney galaan dhinaca Militeriga si ay Islaamka wax u taraan Mustaqbalka. Axmed waxaa Dawladii u dirtay Wax barasho Kulliyadda Caskariga ee Ciraaq, wuxuuna joogi Jirey Magaalada Moosil ee dalkaas, Halkaas oo uu kaga soo Qalin jebiyey afar Sunnadood Kulliyadda Xarbiga, Kuna Noqday Ardayga Koowaad, Xagga Wax barashada iyo Nidaamka, iyo Hannaanka ilaalintiisa. Wuxuu ii sheegay, Macalinkiisi Kulliyadda ee Generaalka ahaa inuu axmed aad u jeclaa, uuna ka dalbay inuu axmed sii joogo Ciraaq.Dr. Axmed Wuxuu ahaa nin Dadku Dhaqsi u Jeclaadaan.

Wuxuu Dr. Axmed soo Qalin Jebiyey, Horraankii 1980 kadibna dalka ayuu kusoo laabtay, isagoo Sarkaal Militeri ah ooh al xiddig wata, tii labaadna qaadanaya, ayuu Militeriga ka ruqsaystay. Waqtigaa waxaa Dhaqdhaqaaqii Saxwada soo galay Fikraddii Takfiirka, Taasoo Ilaahay ka badbaadshey. Kadibna wuxuu u hayaamay Dalka Sucuudiga isagoo Cilmi baadigoobaya. Waxaa laga aqbalay Jaamacadda Ummul Quraa e Makka Al Mukarramah, imtixaankii aqbalaadda ayuu wuxuu ka galay ardaygii 1aad carab iyo Cajam. Waxaa arrinkaa la yaabay oo u quuri waayey ardaydii dalkaas iyo qaar macalimiintii, in arday ajnebi ah, oo haddana afrika ka yimi, uu No. 1 ka qaado, ardaygii ugu horreeyey dalkaas Dugsiyada Sare. Imtixaankii ayaa mar labaad la yiri dib haloo soxo, laakiin haddana No. 1 ayuu galay, sidaas ayaana lagaga haray. Waxaa lagu qoray Kulliyadda Dacwada iyo Usuusha Diinta, qaybta Kitaabka iyo Sunnada.

Dr. Axmed wuxuu Ardaynimada Jaamacadda ku dhamaystay waqti ay ku camirnayd Culimo Caalamka Islaamka Macruuf ka ahayd, Waa ka mid ahaa Culimada Markaas Wax ka dhigta: Sh. Maxamed Qudb, Sh. Sayyid Saabiq Allaha u Naxariisto, Sh. Maxamed Al Qazali, Allaha u Naxariisto, Sh. Abdiraxman Al Maydaani, Raggii xoogaa sanadaa ka horreeyey waxaa ka mid ahaa, Sh. Safar Al Xawaali. Waxaa kaloo Sh. Axmad uu wax badan Jaamacadda Dibadeeda aanu isla hoos fariisannay, kana wada faaiidaysanney, Culimadii dalka Sucuudiga ilaa waagaas joogtey uguna waaweynayd, Sida Sh. Cabdulcaziz Ibnu Baz, Raximahullah, Sh. Maxamed Ibnu Cutheymiin, Raximahullaah, iyo Culimo aad u fara badan ee dalkaas ku sugnayd ama imaan jirtey.

Dr. Axmed Markuu Kulliyadda Dacwada ka qalin jebiyey wuxuu kaga baxay Buundada u sarraysa, Isla markiina waxaa Jaamacaddu u ogolaatay, Master inuu diyaariyo, Wuxuu ku qaatay kuna Takhasusay Cilmiga Xaddiiska, Mawduuciisuna wuxuu ahaa, Qayb ka mid ah Kitaabka:: (Al Ilmaam bi Fawaa idi Cumadatil Axkaam) ee uu Leeyahay Al Imaam Siraajuddin Ibnul Mulaqqin. Wuxuuna ku Qaatay: Mumtaaz, oo ah darajada ugu saraysa. Isla markiiba waxaa Jaamacaddu u aqbashay Qaybta Diktoorada (phD) inuu diyaarsho, wuxuuna doortay Mawduuca : Al Xafid Muqalday Ibnu Qileej iyo Dadaalkiisi Cilmiga Xaddiiska. Wexey ahayd Baaritaan adag, Hase yeeshee, Dr. Axmed oo markaas aqoontiisu sii gaamurtey uu u babac dhigay. Mar anagoo Diktoorka wada socona ayaan Madiina Booqanay, Waxaan la Kulanay, Imaamkii Muxaddithka ahaa Sh. Al Callaama: Xammaad Al Ansaari, Raximahullaah, oo ahaa, Marjica Cilmiga Xadiiska waqtigaas, Jaamacadda Madiinana Weli wax ka bari jirey, markuu Diktoorku u sheegay, Risaalada Diktoorada uu qorayo, aad ayuu ula yaabay wuxuu yiri: Waa Baxthi adag, oo haddana aan cidi samayn ee Allaha kuu fududeeyo.

Dr. Axmed markii uu dhamaystay Diktoorada lana niqaashay, waxaa lagu siiyey Darajada u sarraysa, ee Martabatu Sharafta Koowaad la dhoho, iyo in kitaabka la daaboco. Wexey ka koobnayd 597 bog oo sheekhu qoray. Waxaana la niqaashay oo uu qalin jebiyey 29/7/1420 oo ku beegnayd (7 Nov, 1999). Sidaas ayuu marxaladihii Jaamacada oo dhan Dr. Axmed kusoo dhameeyey.
Isla markiiba wexey Jaamacaddu usoo bandhigtay inuu wax ka dhigo oo Makka iska joogo, hase yeeshee Diktoorka oo ku taamayey inuu cilmiga uu soo bartay Ummaddiisa uga faaiideeyo, wuxuu go?aankiisu ahaa inuu dalka kusoo laabto, isagoo uu kasii horreeyey, Saaxiibkaya, Dr. Cabdul Qaadir Maxamed Cabdullaahi oo geeriyoodey 2010. Si ay u furaan Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso. Halkaas oo Dr. Axmed ka noqday Masuulka Labaad ee Jaamacadda iyo Macalinka Culuumta Sunnada, iyo aqoonta guud iyo Suugaanta. Arday badan iyo Cilmi badan ayuu meeshaas 1999 ilaa manta 2011 ku qaybshey, dad bandanna kaga haqab tiray.

Dr. Axmed wuxuu Culimada iyo Ducaadda Soomaaliyeed maanta ka ahaa, ninka Koowaad, marka loo eego sifooyinka badan ee uu kulansaday. Cilmi, Caqli, Aqoon kala duwan, cilmi maadiya oo caskariya, oo istraatiijiya, Fiqhi iyo Fahmad sarraysa, edeb iyo xishood aanu indhaha kugu dhufan Karin, deeqsinimo, geesinimo, u turid dadka iyo hufnaan dhan walba leh. Wuxuu ahaa xiddig weyn oo ka dhex iftiimaya Culimada Geeska Afrika. Wuxuu ahaa nin aadan hadalkiisa ka daalin, xikmadda iyo aqoonta, iyo gabayga iyo maahmaahda iyo tusaalayaasha. Waxaanu marar badan isu raacnay safari, waxaanu wada booqanay, culimo, waxaa ka mid ahayd markaanu ku booqanay sh. Maxamed Ibnu Cutheymiin, Raximahullaah, Magaaladiisi iyo Masjidkiisi, Cunayza, salad casar ayuu gacanta midigta iga soo qabsaday sheekhu dhanka bidixna Axmad, ilaa aanu gurigiisa ka gaarno, kadibna wuxuu noo qoray Tazkiyo. Waxaan hayaa Tazkiyooyin aanu ku wada qoranahay, Sh. Ibnu Baaz, Sh. Ibnu Cutheymiin, Sh. Cabdallah Bin Jibriin, Allaha u naxariisto, Sh. Naasir Al Cumar, Sh. Safar Al Xawaali, iyo Culimo kale oo qeyrkood ah.

Dr. Axmed Wuxuu ka qayb galay dhammaan ururadii bilawga ahaa ee saxwada Islaamka, waxaan dhihi karnaa wuxuu ka mid ahaa, xubnaha yare e Ilaahay ku sababay, kana shaqeeyey, Fahamka Islaamka iyo Baraaruggiisa manta adduunka meel walba gaarey.
Wuxuu Dr. Axmed ka qayb qaatay oo aan goob jog u ahaa, dhammaan nashaadaadkii dacwada meel kasta laga fulinayey dalka Soomaaliya, Dibadaha, iyo Dalalka nagu dhow, wuxuuna ka geysan jirey talo iyo tabar tan ugu fiican.

Waxaan u rajaynayaa iney ayaan wanaaggiisa tilmaameysey, inuu Ilaahay noloshaas dheer ee dacwada iyo diinta ah iyo cibaadada, ugu khatimay, Xajkii inuu soo guto, maalma kadibna, isagoo salaadii Subax Jamaacada kusoo tukadey, oo Caashuuradii Sooman, inkaar qabayaal jidka ku toogteen, caruurtiisiina ka oohiyeen oo agoomeeyeen, sida la sheegay qaar ayaa ilmaha suuxay. Ilaahay waxaan ku baryey, magacyadiisa quruxda badan iyo sifooyinkiisa sareeya, inuu Ilaahay Dr. Axmed u Naxariisto, Janaatul Firdoowsana hoygiisa ka dhigo, Ilaahayna Jannooyinka nagula kulmiyo, Sidaanu Adduunkaba ugu Walaalowney. Kuwa dilkiisa ka dambeeyey, ama fuliyey, ama raali ka noqday, ama dhiirri geliyey, ama wax ma garatada iyo cadawga farta ugu fiiqay, inuu Ilaahay ka aarsado, Nolosha inuu Ilaahay ku dhibo, Geeridana ku silciyo, cawradooda inuu ilaahay kashifo, fadeexad Ummaddu wada aragtana ilaahay kasoo saaro. Ilaahow aamiin, Ilaahow aamiin, Ilaahow aamiin.

W/Q: MUXAMAD IDRIS AXMED 12/Muharram/1433 ? Dec 7, 2011

comments: Comments Off on TAARIIKH NOLOLEEDKII SH. DR. AXMED XAAJI CABDIRAXMAN SI KOOBAN | W.Q: Sh Mohamed Idiris Axmed

Doorashadii Mohamud Noor

Posted on 10th December 2011 in News

Doorashadii Mohamud Noor

comments: Comments Off on Doorashadii Mohamud Noor

Sheikh Axmed Nuur Imamka Abu-bakr Masjid oo aan wax ka weydiinay Tacsidii ku timid sheikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ( Allaha U Naxariisto ) DAAWO.

Posted on 10th December 2011 in News


Sida aad lawada Socotaan Waxaan wali ku jirnaa barnaamijyadii aanu ooga hadlaynay Geeridii Naxariis la’aanta ahay ee loo geystay Sheikh Dr Axmed xaaji cabdiraxmaan.

Hadaba Waxaa ka hadlaya geerida Sheikha oo aan wax ka weydiinay Sheikh Axmed Nuur Macalin Cabdiqaadir (Imamka masjidka weyn ee Abu-bakr).

comments: Comments Off on Sheikh Axmed Nuur Imamka Abu-bakr Masjid oo aan wax ka weydiinay Tacsidii ku timid sheikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ( Allaha U Naxariisto ) DAAWO.

SOMTV-NEW LOOK WEBSITE UPDATE

Posted on 10th December 2011 in News

WE HAVE UPGRADE OUR WEBSITE SOMTV.ORG TO NEW LOOK. THANK YOU FOR VISITING.COME BACK MORE.

comments: Comments Off on SOMTV-NEW LOOK WEBSITE UPDATE

“Runta” Sheikh cabdiraxmaan Sheikh Cumar Video

Posted on 10th December 2011 in News

Runta Sheikh cabdiraxmaan Sheikh Cumar

Muxaadaro Qayim ahayd oo Cinwaankeedu ahaa RUNTA iyo ka fogaashaha Akhlaaqda Xun ee Beynta iyo U dhawaanshaha Akhlaaqda wanaagsan ee Runta ayuu Sheikh cabdiraxman Sh Cumar oo Muslimiinta Gaar ahaan Somalida wada taqaan Ka jeediyay Masjidka weyn ee Abubakr ee Ku yaallo Seattle,Gobalka Washington ee Wadanka Mareykanka.

Sheikha waxaa uu aad ugu dheeraaday qiimaha runta ay leedahay iyo sida loogu amaanay Nabigeena SCW akhlaaqda wanaagsan oo ay mudantahay in aynu ku dayano.

“Nin baa waxaa lagu yaqaanay in uu been Sheego markii danbe ayuu run sheegay ka dib la rumeysan waayay markaasuu raftay oo yiri War maanta waan raftay ee i rumeysta run ayaan sheegayaaye” ayuu sheekha tusaale u soo qaatay.

Sidoo kale waxaa sheikha uu ku baraarujiyay Dadkii dhageysanayay in ay ka fogaadaan in ay gudbiyaan oo sheegaan wax kastaa oo ay maqlaan waxaan uu tusaale usoo qaatay sheikha xadiiskii NABIGA SCW ee ahaa “Waxaa danbi ugu filan qofka in uu ka sheekeeyo wax kastaa ee uu maqlay”

Sheikh cabdiraxman Sheikh Cumar iyo Culimo la socota ayaa waxaa ay Joogaan masjidka Abubakr si ay halkaasi uga jeediyaan Muxaadaraad uguna faa’iideeyaan Umada Halkaasi ku dhaqan.

comments: Comments Off on “Runta” Sheikh cabdiraxmaan Sheikh Cumar Video

Mashruuca Balaarinta Parking-ka Masaajidka Abu-bakr ee Seattle,Washington: Daawo Video.

Posted on 10th December 2011 in News

Seattle,Washington:-Masaajidka Abu-bakr ee Seattle,Washington Waxaa uu ka mid yahay Masaajidda ugu waaweyn ee ay somalida Ku leeyihiin Wadanka Mareykanka, gaar ahaan Gobalka Washington, Magaalada Seattle, waana Masjidka ugu Jamaacadda badan Guud ahaan Gobalka Washington, Waxaana ku baxay Qarash gaaraya 4 Million oo Dolarka Mareykanka ah.

Masjidka waxaa uu qabtaa Hawlo aad u fara badan marka laga reebo Salaadda oo ah Muhiimadda Koowaad ee loo dhisay, waxaa ka mid ah waxyaabaha kale ee uu qabto Xalinta khilaafaadka Bulshada sida Qoysaska,Ganacsatada. waxaa sidoo kale ka furan Barnaamijka Xifdiska Qur’aanka kariimka ah,Dowrooyin Cilmi ah,Dood Cilmiyeedyo Ku saabsan Sida ay Jaaliyadda uga hortagi karto dhibaatooyin kusoo fool leh ama ay u hiigsato Barnaamijyo anfac u ah, Halkan lagumo soo koobi karo Masjidka hawlaha uu umadda u hayo waxaana ay is weydiiyaan Bulshada ku dhaqan Gobalkaasi sidee buu xaalka ahaan lahaa hadii aanan la heysan Markaskaasi Abubakr.

Masjidka waxaa Imam ka ah Sheikh Axmed Nuur Macalin oo Ka mid ah Culimada waa weyn ee Somalida, Waxaana nasiib u yeeshay Somalida Ku dhaqan magaalada Seattle inuu Sheikha imam u Noqdo.

Masjidka Waxaa uu ku yaallaa Xaafadda TUKWILA ee Magaalada Seattle Waxaana la furay September 2009 Waxaa ay Degmada uu ku yaallo bixisaa Sharci ama License loogu tala galay goobaha Masaajidda ama Meel kasta oo Dadweynaha u furan sida Ganacsiga,Waxayna ku xireen Sharciga masaajidka Shardi ah in Masjidka aan wax dawcad ahi uga iman dariska oo aan la rabshin Guryahooda aanan la dhigan Gawaarida iyo Shuruudyo kale.

Dadweynaha Kheyrka jecel ee Ku dhaqan gobalkaasi waxaa ay ku dadaalaan in Shuruudahaasi la dhameystiro balse waxaa jira in mararka qaar aanan sidii loogu tala galay loo fulin dhigashada Gawaarida oo mararka qaarna la dhigto meelo aanan habooneyn xagna keeni karana in dariska masjidka dacweeyeen taasna waxaa ay dhib weyn ku tahay dhammaan umadda Muslimka ah ee ku dhaqan Gobalka keeni kartana in masjidka dhib naga soo gaaro.

Hadaba si xal loogu helo arimaha Parking-ka masaajidka waxaa uu masjidka u baahanyahay illaa ugu yaraan 50-Parking ama Meelaha gawaarida la dhigto,taasoo sahli doonta Insha allah in majsidka uu isku filnaado qof walibana uu helo Parking uu dhigto gaarigiisa masjidkana sharcigiisa uu si buuxdo u helo.

Waxaa jiro Ikhawaani Guri ku dhaggan Masaajidka oo uu leeyahay qof aanan Muslim ahayn Waxaana horay u daganaa walaal ka mid ah jamaacada Masjidka Maamulkana ka mid ah oo Runtii u dulqaadan jiray dhib kasta oo lagu hayay waxaana gurigiisa la dhigan jiray illaa 40 gaari ugu yaraan oo maraka qaarna xitaa uu dhib kala kulmi jiray.

Gurigaasi waa uu ka guuray Walaalkii deganaa Masjdikana waxaa uu u baahanyahay Parking saan horay idinku sheegnay Gurigana waa iib hadii uu qof aanan muslim ahayn gato waa lawada dareemi karaa dhibka ka iman karo oo waxaa meesha ka baxaya dulqaadkii uu walaalkii horay u daganaa u dulqaadan jiray dadka.

Hadaba si masjidka loo badbaadiyo Allah ayaa badbaadin karee waxaanu u baahanay in masjidka loo gado gurigaasi si looga dhigo parking Waxaana u sheegeynaa muslimiinta meelkasta oo ay joogaan in ay ka qayb qaataan Khayrkan waana fursad qaali ah oo sahleysa in uu qofwaliba ku darsado si ajarkaasi uu ugu socdo waligiis.

Qaybtan hoose waxaanu idinku soo gudbineynaa Video ku saabsan Mashruucaasi waxaadna ka arki kartaan Guriga Masjidka loo gadayo.

comments: Comments Off on Mashruuca Balaarinta Parking-ka Masaajidka Abu-bakr ee Seattle,Washington: Daawo Video.